Samuu'eel Kowaad 4:20-22 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

20. Oo markay sakaraadaysay ayay naagihii agteeda taagnaa ku yidhaahdeen, Ha baqin, waayo, waxaad dhashay wiil. Laakiinse uma ay jawaabin, oo danna kama gelin.

21. Oo iyana waxay wiilkii u bixisay Iikabood, oo tidhi, Reer binu Israa'iil ammaantii way ka tagtay; maxaa yeelay, sanduuqii Ilaah waa la qaatay, oo weliba soddoggeed iyo ninkeediiba way dhinteen.

22. Oo waxay tidhi, Reer binu Israa'iil ammaantii way ka tagtay; maxaa yeelay, sanduuqii Ilaah waa la qaatay.

Samuu'eel Kowaad 4