Samuu'eel Kowaad 2:35-36 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

35. Oo anigu waxaan kicin doonaa wadaad aamin ah kaasoo samayn doona waxa ku jira qalbigayga iyo maankayga; oo anna waxaan isaga u dhisi doonaa reer ammaan ah, oo isna weligiis wuxuu ku hor socon doonaa kayga subkan.

36. Oo waxaa dhici doona in kuwa reerkaaga ka hadha oo dhammu ay u iman doonaan oo ku hor dhici doonaan isaga, iyagoo ka tuugaya gogo' lacag ah iyo xabbad kibis ah, oo waxay ku odhan doonaan, Waan ku baryayaaye, hawsha wadaaddada middood i sii si aan u cuno xabbad kibis ah.

Samuu'eel Kowaad 2