Sabuurradii 55:4-12 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

4. Wadnuhu aad buu ii xanuunayaa, Oo waxaa igu dhacday cabsida dhimashada.

5. Baqdin iyo gariir ayaa igu soo degay, Oo naxdin baa i dabooshay.

6. Oo anna waxaan is-idhi, Waxaan jeclaan lahaa inaan baalal yeesho sida qoolley oo kale! Markaasaan iska duuli lahaa oo nasan lahaa.

7. Bal eeg, markaasaan iska warwareegi lahaa meel fog, Oo waxaan degganaan lahaa cidlada. (Selaah)

8. Waxaan gabbaad kaga carari lahaa Dabaysha hufada ah iyo duufaanka.

9. Sayidow, iyaga baabbi'i, oo afafkoodana kala duw Waayo, waxaan magaalada ku arkay dulmi iyo dirir.

10. Maalin iyo habeenba derbiyadeeday ku dul wareegaan, Oo weliba waxaa ku dhex jira xumaan iyo belaayo.

11. Dhexdeedana waxaa ku jira shar, Dulmi iyo khiyaanona kama tagaan jidadkeeda.

12. Waayo, kii i caayay cadaawe ma ahayn, Maxaa yeelay, waan u adkaysan kari lahaa, Mana ahayn kii i necbaa oo iska kay weyneeyey, Maxaa yeelay, waan ka dhuuman lahaa isaga,

Sabuurradii 55