Sabuurradii 28:5-9 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

5. Iyaga wuu dumin doonaa, mana uu dhisi doono mar dambe, Maxaa yeelay, kama ay fikirin Rabbiga shuqulladiisii Iyo hawshii gacmihiisa toona.

6. Mahad waxaa leh Rabbiga, Maxaa yeelay, codkii baryootankayguu maqlay.

7. Rabbigu waa xooggayga iyo gaashaankayga, Qalbigaygu isaguu isku halleeyey, oo waa lay caawiyey, Sidaas daraaddeed qalbigaygu aad iyo aad buu u reyreeyey, Oo gabaygaygaan isaga ku ammaani doonaa.

8. Rabbigu wuxuu dadkiisa u yahay xoog, Oo kiisa subkanna wuxuu u yahay qalcad lagu badbaado.

9. Dadkaaga badbaadi, oo dhaxalkaagana barakee, Oo weliba quudi, oo weligaaba kor u hay.

Sabuurradii 28