1. Rabbiyow, waxaan kaaga qayshaday moolalka.
2. Sayidow, codkayga maqal, Oo dhegahaagu ha noqdeen kuwo u digtoon Codka baryootankayga.
3. Rabbiyow, haddaad dembiyada u fiirsatid, Bal yaa istaagi doona, Sayidow?
4. Laakiinse waxaa kula jirta dembidhaafid, In adiga lagaa cabsado daraaddeed.
5. Waxaan sugaa Rabbiga, Naftayduna way sugtaa, oo eraygiisa ayaan rajo ku qabaa.
6. Naftaydu waxay Sayidka u dhawrtaa In ka sii badan sida waardiyuhu u dhawro waaga berigiisa, Haah, in ka sii badan sida waardiyuhu u dhawro waaga berigiisa.