Sabuurradii 115:7-16 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

7. Gacmo way leeyihiin, laakiinse waxba ma qabtaan, Cagona way leeyihiin, laakiinse ma socdaan, Oo hungurigoodana hadal kama soo saaraan.

8. Kuwa iyaga sameeyaana sidooda oo kale ayay noqon doonaan, Iyo xataa mid kasta oo iyaga isku halleeyaba.

9. Reer binu Israa'iilow, Rabbiga isku halleeya, Isagu waa caawimaaddooda iyo gaashaankooda.

10. Reer Haaruunow, Rabbiga isku halleeya, Isagu waa caawimaaddooda iyo gaashaankooda.

11. Kuwiinna Rabbiga ka cabsadow, Rabbiga isku halleeya, Isagu waa caawimaaddooda iyo gaashaankooda.

12. Rabbigu aad buu inoo xusuusnaa, wuu ina barakayn doonaa, Reerka Israa'iilna wuu barakayn doonaa, Reerka Haaruunna wuu barakayn doonaa.

13. Wuxuuna barakayn doonaa kuwa Rabbiga ka cabsada, Yar iyo weynba.

14. Rabbigu aad iyo aad ha idiin kordhiyo, Idinka iyo carruurtiinnaba.

15. Rabbiga sameeyey samada iyo dhulka Ayaa idin barakeeyey.

16. Samooyinku waa samooyinkii Rabbiga, Laakiinse dhulka wuxuu siiyey binu-aadmiga.

Sabuurradii 115