Nexemyaah 7:7-26 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

7. oo waxay la yimaadeen Serubaabel, Yeeshuuca, Nexemyaah, Casaryaah, Racamyaah, Naxamaanii, Mordekay, Bilshaan, Misfered, Bigway, Nexuum, iyo Bacanaah. Haddaba waa tan tiradii dadkii reer binu Israa'iil:

8. Reer Farcosh waxaa ka soo noqday laba kun iyo boqol iyo laba iyo toddobaatan,

9. reer Shefatyaahna saddex boqol iyo laba iyo toddobaatan,

10. reer Aaraxna lix boqol iyo laba iyo konton,

11. reer Fahad Moo'aab oo ahaa reer Yeeshuuca iyo reer Yoo'aabna laba kun iyo siddeed boqol iyo siddeed iyo toban,

12. reer Ceelaamna kun iyo laba boqol iyo afar iyo konton,

13. reer Satuuna siddeed boqol iyo shan iyo afartan,

14. reer Sakayna toddoba boqol iyo lixdan,

15. reer Binnuwiina lix boqol iyo siddeed iyo afartan,

16. reer Beebayna lix boqol iyo siddeed iyo labaatan,

17. reer Casgaadna laba kun iyo saddex boqol iyo laba iyo labaatan,

18. reer Adoniiqaamna lix boqol iyo toddoba iyo lixdan,

19. reer Bigwayna laba kun iyo toddoba iyo lixdan,

20. reer Caadiinna lix boqol iyo shan iyo konton,

21. reer Aateer oo ahaa reer Xisqiyaahna siddeed iyo sagaashan,

22. reer Xaashumna saddex boqol iyo siddeed iyo labaatan,

23. reer Beesayna saddex boqol iyo afar iyo labaatan,

24. reer Xaariifna boqol iyo laba iyo toban,

25. reer Gibecoonna shan iyo sagaashan,

26. raggii reer Beytlaxam iyo reer Netofaahna boqol iyo siddeed iyo siddeetan,

Nexemyaah 7