Nexemyaah 11:21-34 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

21. Laakiinse kuwii reer Netiiniim waxay degeen Cofel, oo waxaa reer Netiiniim madax u ahaa Siixaa iyo Gishfaa.

22. Oo kuwii reer Laawi oo Yeruusaalem joogayna waxaa madax u ahaa Cusii oo ahaa ina Baanii, ina Xashabyaah, ina Matanyaah, ina Miikaa, oo ka mid ahaa reer Aasaaf oo ahaa kuwii gabayaaga ahaa, oo u talin jiray hawsha guriga Ilaah.

23. Waayo, waxaa jiray amar iyaga ku saabsan oo boqorka ka yimid, oo kuwii gabayaaga ahaa waxaa loo xukumay sooryo rukun ah siday maalin walba ugu baahnaayeen.

24. Oo Fetaxyaah oo ahaa ina Mesheysabeel oo ahaa reer Serax, ina Yahuudah, boqorkuu wakiil uga ahaa wax alla wixii dadka xaalkiisa ku saabsan.

25. Xagga tuulooyinkii iyo beerahooda qaar reer Yahuudah ah waxay degganaayeen Qiryad Arbac iyo magaalooyinkeedii, iyo Diibon iyo magaalooyinkeedii, iyo Yeqabseel iyo tuulooyinkeedii,

26. iyo Yeeshuuca, iyo Molaadaah, iyo Beytfeled,

27. iyo Xasar Shuucaal, iyo Bi'ir Shebac iyo magaalooyinkeedii,

28. iyo Siiqlag, iyo Mekonaah iyo magaalooyinkeedii,

29. iyo Ceyn Rimmoon, iyo Sorcaah, iyo Yarmuud,

30. iyo Saanoo'ax, iyo Cadullaam, iyo tuulooyinkoodii, iyo Laakiish iyo beeraheedii, iyo Caseeqaah iyo magaalooyinkeedii. Sidaasay u degeen Bi'ir Shebac ilaa dooxadii Xinnom.

31. Oo reer Benyaamiinna waxay degeen inta laga bilaabo Gebac, iyo Mikmaash, iyo Cayaa, iyo Beytel iyo magaalooyinkeeda,

32. iyo Canaatood, iyo Nob, iyo Cananyaah,

33. iyo Xaasoor, iyo Raamaah, iyo Gitayim,

34. iyo Xaadiid, iyo Seboyim, iyo Neballaad,

Nexemyaah 11