Nexemyaah 1:5-9 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

5. oo idhi, Rabbiyow, Ilaaha samadow, Ilaaha weyn oo laga cabsadow, oo axdiga xajiya, oo u naxariista kuwa isaga jecel oo amarradiisa xajiyow, waan ku baryayaaye,

6. Dhegahaagu ha maqleen, indhahaagana fur, inaad maqashid baryadayda anoo addoonkaaga ah. Wakhtigan habeen iyo maalinba waxaan kuu baryayaa reer binu Israa'iil oo addoommadaada ah, anigoo qiraya dembiyadii aan aniga iyo reer binu Israa'iil kugu dembaabnay; haah, aniga iyo reerka aabbahayba waannu dembaabnay.

7. Oo si aad u xun ayaannu kula macaamiloonnay, oo ma aannan xajin amarradii, iyo qaynuunnadii, iyo xukummadii aad ku amartay addoonkaagii Muuse ahaa.

8. Waan ku baryayaaye, bal xusuuso eraygii aad ku amartay addoonkaagii Muuse ahaa, oo aad ku tidhi, Haddaad xadgudubtaan, waxaan idinku kala dhex firdhin doonaa dadyowga,

9. laakiinse haddaad ii soo noqotaan oo aad amarradayda xajisaan oo aad yeeshaan, in kastoo kuwiinna la tuuray ay joogaan meesha samada ugu fog, halkaasaan ka soo ururin doonaa, oo waxaan keeni doonaa meeshii aan u doortay inaan ka dhigo in magacaygu joogo.

Nexemyaah 1