Matayos 22:32-44 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

32. Anigu waxaan ahay Ilaaha Ibraahim iyo Ilaaha Isxaaq iyo Ilaaha Yacquub? Isagu ma aha Ilaaha kuwa dhintay, laakiin waa Ilaaha kuwa nool.

33. Dadkii badnaa goortay taas maqleen ayay waxbariddiisii ka yaabeen.

34. Laakiin Farrisiintii goortay maqleen inuu Sadukiintii aamusiiyey ayay isu yimaadeen.

35. Oo midkood oo sharciga yaqaan ayaa wax weyddiiyey, isagoo jirrabaya, oo wuxuu ku yidhi,

36. Macallimow, qaynuunkee baa sharciga uga weyn?

37. Kolkaasuu ku yidhi isaga, Waa inaad Rabbiga Ilaahaaga ah ka jeclaataa qalbigaaga oo dhan iyo naftaada oo dhan iyo caqligaaga oo dhan.

38. Kanu waa qaynuunka ugu weyn oo ugu horreeya.

39. Ku labaad oo u ekina waa kan. Waa inaad deriskaaga u jeclaataa sida naftaada.

40. Sharcigii oo dhan iyo nebiyadiiba waxay sudhan yihiin labadan qaynuun.

41. Kolkii Farrisiintii isu yimaadeen ayaa Ciise wax weyddiiyey,

42. oo wuxuu ku yidhi, Yuu idinla yahay Masiixu? Waa ina ayo? Kolkaasay ku yidhaahdeen, Waa ina Daa'uud.

43. Wuxuu ku yidhi, Haddaba Daa'uud sidee buu Ruuxa ugaga yeedhay Rabbi? isagoo leh,

44. Rabbigu wuxuu Sayidkayga ku yidhi, Midigtayda fadhiiso, Ilaa aan cadaawayaashaada cagahaaga hoostooda geliyo.

Matayos 22