Matayos 21:20-30 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

20. Xertii goortay arkeen way yaabeen oo waxay ku yidhaahdeen, Geedkii berdaha ahaa sidee buu kolkiiba u engegay?

21. Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay, Haddaad rumaysan tihiin oo aydnaan shakiyin, wixii geedkii berdaha ahaa ku dhacay oo keliya ma aad samayn doontaan, laakiin weliba haddaad buurtan ku tidhaahdaan, Ruq, baddana isku tuur, way noqonaysaa.

22. Oo wax kasta oo aad tukasho ku baridaan idinkoo rumaysan waad heli doontaan.

23. Oo goortuu macbudkii galay, intuu wax barayay waxaa u yimid wadaaddadii sare iyo waayeelladii dadka, oo waxay ku yidhaahdeen, Amarkee baad waxan ku samaysaa? Oo yaa amarkan ku siiyey?

24. Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Aniguna hal baan idin weyddiinayaa. Haddaad taas ii sheegtaan, aniguna waan idiin sheegi doonaa amarka aan waxan ku sameeyo.

25. Baabtiiskii Yooxanaa xaggee buu ka yimid? Ma wuxuu ka yimid xagga jannada mise dadka? Dhexdooda ayay iskala hadleen iyagoo leh, Haddaynu nidhaahno, Xagga jannada, wuxuu inagu odhanayaa, Haddaba maxaad u rumaysan weydeen?

26. Laakiin haddii aynu nidhaahno, Xagga dadka, dadka badan ayaynu ka baqaynaa, waayo, Yooxanaa sida nebi oo kale ayay kulli u haystaan.

27. Markaasay Ciise u jawaabeen oo ku yidhaahdeen, Garan mayno. Isaguna wuxuu ku yidhi, Aniguna idiin sheegi maayo amarka aan waxan ku sameeyo.

28. Maxay idinla tahay? Nin baa laba wiil lahaa. Wuxuu u yimid kii hore oo ku yidhi, Wiilkaygiiyow, aad beerta canabka ah oo maanta ka shaqee.

29. Wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, Dooni maayo, laakiin kolkaas dabadeed ayuu isqoomameeyey oo aaday.

30. Markaasuu wuxuu u yimid kii labaad, oo sidii oo kale ku yidhi. Isaguna wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, Waa yahay, waan tegayaa, sayidow, laakiin ma uu tegin.

Matayos 21