Matayos 13:1-9 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Maalintaas Ciise ayaa guriga ka baxay oo fadhiistay badda agteeda,

2. oo waxaa u soo ururay dad faro badan, sidaa darteed doonni ayuu fuulay oo fadhiistay, dadkii badnaa oo dhammuna xeebtay taagnaayeen.

3. Markaasuu wax badan masaallo ugu sheegay isagoo leh, Beerrey baa baxay inuu wax beero,

4. oo intuu beerayay qaar baa jidka geestiisa ku dhacay. Kolkaasaa shimbirro yimaadeen oo cuneen.

5. Qaar kalena waxay ku dhaceen dhul dhagax ah oo aan carro badan lahayn; kolkiiba way soo baxeen, waayo, carradu hoos uma dheerayn,

6. laakiin qorraxdu goortay soo baxday way gubteen, waana engegeen, waayo, xidid ma lahayn.

7. Qaar kalena waxay ku dhaceen qodxan, qodxantiina waa soo baxday oo ceejisay.

8. Qaar kalena dhul wanaagsan bay ku dhaceen oo ay midho dhaleen, mid boqol, midna lixdan, midna soddon.

9. Kan dhego wax lagu maqlo lahu ha maqlo.

Matayos 13