Matayos 12:9-20 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

9. Markaasuu halkaas ka tegey oo wuxuu galay sunagoggooda.

10. Oo waxaa joogay nin gacan engegan. Goortaasay weyddiiyeen oo ku yidhaahdeen, Ma xalaal baa in sabtida wax la bogsiiyo? si ay ugu ashtakeeyaan.

11. Markaasuu wuxuu ku yidhi, Ninkiinnee baa lax leh oo hadday sabtida god ku dhacdo, aan soo qabanaynin oo aan soo bixinaynin?

12. Haddaba nin intee buu ka qiima badan yahay lax! Sidaa darteed waa xalaal in sabtida wanaag la sameeyo.

13. Markaasuu ninkii ku yidhi, Gacantaada soo taag. Wuuna soo taagay, oo way bogsatay sida tan kale.

14. Laakiin Farrisiintu waa baxeen, oo waxay ka wada hadleen si ay u dilaan.

15. Ciise goortuu ogaaday ayuu halkaas ka tegey, oo waxaa raacay dad badan, dhammaantoodna wuu wada bogsiiyey.

16. Wuxuuna ku amray inaanay cidna u sheegin,

17. si ay u noqoto wixii lagaga dhex hadlay nebi Isayos isagoo leh,

18. Eeg midiidinkaygii aan doortay, Kan aan jeclahay oo ay naftaydu ku faraxsan tahay. Ruuxayga ayaan dul saari doonaa, Wuxuuna quruumaha u sheegi doonaa xukunka.

19. Ma uu ilaaqtami doono, mana qaylin doono, Ninnana codkiisa jidadka kama maqli doono.

20. Cawsduur nabar leh ma jebin doono, Dubaalad qiiqaysana ma demin doono, Ilaa uu xukunka u soo bixiyo libta.

Matayos 12