Maahmaahyadii 24:23-34 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

23. Oo weliba waxyaalahanuna waa wixii ay kuwa caqliga lahaa yidhaahdeen. In dadka garsooridda loogu kala eexdaa ma wanaagsana.

24. Kii kan shar leh ku yidhaahda, Xaq baad tahay, Dadyowga ayaa habaari doona, oo quruumuhuna way karhi doonaan isaga,

25. Laakiinse kuwii isaga canaantaa farxad bay yeelan doonaan, Oo dushoodana waxaa ku soo degi doonta barako wanaagsan.

26. Kii jawaab qumman ku jawaabaa Bushimuhuu dhunkadaa.

27. Shuqulkaaga dibadda ku hagaajiso, Oo beerta ku diyaarso, Oo dabadeedna gurigaaga dhiso.

28. Deriskaaga sababla'aan markhaati ha ku furin, Oo bushimahaagana ha ku khiyaanayn.

29. Hana odhan, Wixii uu igu sameeyey oo kale ayaan ku samayn doonaa, Oo ninkii sidii shuqulkiisu ahaa ayaan u abaalmarin doonaa.

30. Waxaan ag maray ninka caajiska ah beertiisa, Iyo ninka garaadka daran beercanabkiisa,

31. Oo bal eeg, kulligood waxaa ka baxay qodxan, Oo dhammaantoodna waxaa qariyey maraboob, Oo derbigoodii dhagaxa ahaana waa dumay.

32. Markaasaan eegay oo aad uga fiirsaday, Waan fiiriyey oo wax ka bartay.

33. Weliba in yar baad seexanaysaa, oo in yar baad gam'aysaa, Oo in yar baad gacmaha hurdo u laabaysaa,

34. Haddaba caydhnimo waa kuu iman doontaa sida tuug oo kale, Oo baahina sida nin hub sita oo kale.

Maahmaahyadii 24