Maahmaahyadii 20:25-29 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

25. Waa u dabin nin inuu nacasnimo ku yidhaahdo, Waa quduus, Oo uu dabadeed u nidraa inuu wax weyddiiyo.

26. Boqorkii caqli lahu kuwa sharka leh wuu hufaa, Oo wuxuu dushooda marsiiyaa giringirta.

27. Dadka ruuxiisu waa laambaddii Rabbiga, Oo wuxuu baadhaa caloosha meelaha ugu hooseeya oo dhan.

28. Naxariista iyo runtu boqorkay ilaaliyaan, Oo carshigiisuna wuxuu ku taagnaadaa naxariis.

29. Dhallinyarada xooggoodu waa ammaantooda, Oo cirrada odayaashuna waa quruxdooda.

Maahmaahyadii 20