Maahmaahyadii 20:13-16 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

13. Hurdo ha jeclaan, waaba intaas oo aad caydhowdaaye. Indhaha kala qaad, oo cuntaad ka dhergi doontaa.

14. Kan wax iibsadaa wuxuu yidhaahdaa, Waa xun yahay, waa xun yahay, Laakiinse markuu tago ayuu faanaa.

15. Waxaa jira dahab iyo luul badan, Laakiinse bushimihii aqoon lahu waa jawharad qaali ah.

16. Kii qof qalaad dammiinta dharkiisa ka qaad, Oo markuu shisheeyayaal dammiinto, isaga rahmad ahaan u hay.

Maahmaahyadii 20