Maahmaahyadii 13:7-20 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

7. Waxaa jira nin hodan iska dhiga laakiinse aan waxba haysan, Oo waxaa jira mid miskiin iska dhiga laakiinse maal badan leh.

8. Nin wuxuu noloshiisa ku furtaa maalkiisa, Laakiinse miskiinku canaanta ma maqlo.

9. Iftiinka kuwa xaqa ahu weligii wuu reyreeyaa, Laakiinse laambadda kuwa sharka leh waa la bakhtiin doonaa.

10. Isqabasho oo keliya ayaa kibir ka timaada, Laakiinse kii waanada qaata waxaa la jirta xigmad.

11. Maalkii degdeg lagu helaa wuu dhinmi doonaa, Laakiinse kan hawl wax ku soo urursadaa waa sii korodhsan doonaa.

12. Rajadii raagtaa qalbigay bukaysiisaa, Laakiinse markii wixii la doonayay la helo waa geed nololeed.

13. Ku alla kii erayga quudhsadaa halligaad ayuu isu keenaa, Laakiinse kii amarka ka cabsada waa loo abaalgudi doonaa.

14. Ninkii caqli leh waxbariddiisu waa il nololeed, In dabinnada dhimashada laga leexdo.

15. Waxgarashadii wanaagsan raalli baa laga noqdaa, Laakiinse jidka khaayinnadu waa xun yahay.

16. Nin kasta oo miyir lahu aqoon buu ku shaqeeyaa, Laakiinse nacasku nacasnimuu fidiyaa.

17. Wargeeyihii shar lahu xumaan buu ku dhex dhacaa, Laakiinse ergadii aamin ahu waa caafimaad.

18. Caydhnimo iyo ceebba waxaa lahaan doona kii edbinta diida, Laakiinse kii canaanta maqla waa la murwayn doonaa.

19. Wixii la doonayay oo la gaadhay nafta way u macaan tahay, Laakiinse nacasyadu aad bay u karhaan inay sharka ka fogaadaan.

20. Kii kuwa caqliga leh la socdaa, caqli buu yeelan doonaa, Laakiinse kii nacasyada raacaa waa baabbi'i doonaa.

Maahmaahyadii 13