22. Markaasuu xertii ku yidhi, Maalmuhu waa iman doonaan goortaad dooni doontaan inaad aragtaan maalmaha Wiilka Aadanaha middood, mana arki doontaan.
23. Waxaana laydinku odhan doonaa, Waa taas! Waa tan! Ha bixina, hana raacina.
24. Waayo, sida hillaacu markuu dhinaca hoose oo cirka ka hillaaco oo ilaa dhinaca kale oo hoose oo cirka u ifiyo, sidaas oo kale ayuu Wiilka Aadanahuna ahaan doonaa maalintiisa.
25. Laakiin kolka hore waxay waajib ugu tahay inuu wax badan ku xanuunsado oo uu qarniganu diido isaga.
26. Oo sidii wakhtigii Nuux ahaa, sidaas oo kale ayay noqon doontaa maalmaha Wiilka Aadanaha.