Laawiyiintii 9:1-3 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Oo maalintii siddeedaad ayaa Muuse u yeedhay Haaruun iyo wiilashiisii, iyo odayaashii reer binu Israa'iil,

2. oo wuxuu Haaruun ku yidhi, Waxaad keentaa dibi yar oo ah qurbaan dembi, iyo wan ah qurbaan la gubo oo aan innaba iin lahayn, oo iyaga Rabbiga hortiisa ku bixi.

3. Oo reer binu Israa'iilna la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Waxaad keentaan orgi ah qurbaan dembi, iyo weyl iyo wan oo labadooduba gu jiraan oo aan innaba iin lahayn oo qurbaan la gubo ah.

Laawiyiintii 9