Laawiyiintii 27:32-34 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

32. Oo kulli meeltobnaadka lo'da ah ama kan adhiga ah oo dhan, wax alla wixii lagu tiriyo ee hoos maro usha adhijirka, meeltobnaadku waa inuu Rabbiga quduus u ahaadaa.

33. Oo neefkaasu inuu xun yahay iyo inuu fiican yahay, isagu waa inuusan kala hubsan, waana inuusan beddelin, oo kolnaba hadduu beddelo, markaas isagii iyo kii lagu beddelayba waa inay quduus wada ahaadaan ee aan la soo furan.

34. Kuwanu waa amarradii Rabbigu Muuse kaga amray Buur Siinay oo uu reer binu Israa'iil ugu soo dhiibay.

Laawiyiintii 27