Laawiyiintii 27:22-26 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

22. Oo hadduu Rabbiga quduus uga dhigo beer uu soo iibsaday oo aan ahayn beerta hantidiisa ah,

23. markaas wadaadku waa inuu xisaabaa qiimihii aad ku qiimaysay tan iyo sannadda yubilii ah, oo isla maalintaas isagu waa inuu wixii aad beerta ku qiimaysay u bixiyaa sida wax Rabbiga quduus u ah.

24. Oo sannadda yubilii ahna beertu waxay u noqon doontaa kii laga soo iibsaday, kaasoo ah kii dhulka hanti u leh.

25. Oo waxa aad wax ku qiimayso oo dhammu waa inay waafaqsanaadaan sheqelka meesha quduuska ah, oo sheqelku waa inuu ahaadaa labaatan geeraah.

26. Laakiinse xayawaanka curadkooda Rabbiga gooni ahaanta loogu soocay ninna waa inuusan quduus ka dhigin, hadduu dibi yahay iyo hadduu ido yahayba, waayo, waxaa iska leh Rabbiga.

Laawiyiintii 27