Laawiyiintii 26:7-12 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

7. Oo idinku cadaawayaashiinnaad eryan doontaan, oo iyana hortiinnay seef kaga baabbi'i doonaan.

8. Oo shan idinka ahu boqol nin bay eryan doonaan, oo boqol idinka ahuna toban kun oo nin bay eryan doonaan, oo cadaawayaashiinnuna hortiinnay seef kaga baabbi'i doonaan.

9. Oo anigu waan idiin soo jeesan doonaa, waanan idin badin doonaa oo idin tarmin doonaa, oo axdigaygii aan idinla dhigtayna waan sii adkayn doonaa.

10. Oo waxaad cuni doontaan midhihii hore oo aad wakhti dheer kaydsateen, oo waxaad soo bixin doontaan midhihii hore si aad kuwa cusub meel ugu heshaan.

11. Oo anna taambuuggaygaan idinka dhex dhisan doonaa, oo naftayduna idinma karhi doonto.

12. Oo dhexdiinnaan ku socon doonaa, oo Ilaahiinnaan ahaan doonaa, oo idinkuna dadkaygaad ahaan doontaan.

Laawiyiintii 26