Ishacyaah 59:1-4 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Bal eega, Rabbiga gacantiisu inay wax badbaadiso kama gaabna, oo dhegihiisuna inay wax maqlaan kama awdna,

2. laakiinse xumaatooyinkiinnaa idin kala soocay idinka iyo Ilaahiinna, oo dembiyadiinnaa wejigiisa idinka qariyey, oo saasuusan idiin maqlin.

3. Waayo, gacmihiinnii dhiig bay ku nijaasaysan yihiin, oo farihiinniina xumaan bay ku nijaasaysan yihiin, bushimihiinnii been bay ku hadleen, oo afkiinniina shar buu ku guryamaa.

4. Ninna si xaq ah uma dacweeyo, oo midnaba run kuma muddaco. Waxay isku halleeyaan waxaan waxba ahayn, oo been bay ku hadlaan, belaayay uuraystaan, oo xumaan bay dhalaan.

Ishacyaah 59