Ishacyaah 30:21-28 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

21. Oo markaad midigta u leexataan iyo markaad bidixda u leexataanba waxaad xagga dambe ka maqli doontaan eray leh, Jidkii waa kan ee ku socda.

22. Oo weliba waxaad nijaasayn doontaan sanamyadiinna la qoray oo lacagta lagu dahaadhay, iyo sanamyadiinna la shubay oo dahabka lagu dahaadhay, oo waxaad iyagu u xoori doontaan sida wax wasakhaysan, oo waxaad ku odhan doontaan, Ordoo iska baxa!

23. Oo markaasuu roob idiin siin doonaa abuurkiinna si aad dhulka ugu abuurtaan, oo wuxuu cunto idinka siin doonaa waxa dhulka idiinka baxa, oo waxayna ahaan doontaa barwaaqo badan, oo wakhtigaas lo'diinnu waxay daaqi doontaa berrimmo balballaadhan.

24. Oo dibida iyo dameeraha dhulka qodaana waxay cuni doonaan cunto dhanaan oo gacaf iyo fargeeto weyn lagu haadiyey.

25. Oo wakhtiga laynta weyn oo munaaraduhu soo wada dhici doonaan buur kasta oo dheer iyo kur kasta oo dheerba waxaa jiri doona webiyo iyo durdurro biya ah.

26. Oo weliba iftiinka dayaxu wuxuu noqon doonaa sida nuurka qorraxda, oo nuurka qorraxduna wuxuu toddoba jibbaar u noqon doonaa sida toddoba maalmood iftiinkood oo kale, waana maalinta Rabbigu nabarka dadkiisa duubi doono oo uu dhaawacooda ku dhacay bogsiin doono.

27. Bal eega, Rabbiga magiciisu meel fog buu ka imanayaa, isagoo cadho la ololaya, oo qiiqiisuna wuu weyn yahay, oo bushimihiisana dhirif baa ka buuxa, oo carrabkiisuna waa sida dab wax gubaya.

28. Oo neeftiisuna waa sida durdur wax qarqinaya, oo xataa tan iyo qoorta gaadhaya, inuu quruumaha ku kala shaandheeyo shaandho halaag ah, oo dadka afkiisana waxaa ku jiri doona xakame qalda.

Ishacyaah 30