5. Gabdhaha reer Yeruusaalemow, Anigu waan madoobahay, laakiinse waan u qurxoonahay Sida teendhooyinkii reer Qedaar Iyo sida daahyadii Sulaymaan.
6. Ha ii soo dhuganina madowgayga qorraxdu i gubtay aawadiis. Wiilashii hooyaday ayaa ii cadhooday, Oo waxay iga dhigeen ilaaliyihii beeraha canabka ah, Laakiinse beertayda canabka ah ma aan dhawrayn.
7. Kan naftaydu jeceshahayow, ii sheeg Meesha aad adhigaaga daajisid, iyo meesha aad hadhkii hadhisid; Waayo, bal maxaan u ahaanayaa Sida mid ag wareegta adhyaha saaxiibbadaa?
8. Taada naagaha ugu qurux badanay, haddaadan aqoon, Waxaad daba gashaa adhiga raadkiisa, Oo waxaad waxarahaaga ag daajisaa teendhooyinka adhijirrada.
9. Taan jeclahayay, waxaan kugu masaalay Faras ka mid ah fardihii gaadhifardoodyadii Fircoon.
10. Dhabannadaadu waxay la qurxoon yihiin timo tidcan, Oo qoortaaduna laasimmo jowharad ah.
11. Waxaannu kuu samaynaynaa silsilado dahab ah Oo lacag laga taagay.