Gabaygii Sulaymaan 1:1-6 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Kanu waa gabaygii gabayada ee Sulaymaan.

2. Isagu ha igu dhunkado dhunkashooyinka afkiisa; Waayo, jacaylkaagu xataa khamri wuu ka sii macaan yahay.

3. Saliiddaadu caraf wanaagsan bay leedahay, Oo magacaaguna waa sida saliidcadar la shubay, Oo sidaas daraaddeed baa habluhu kuu jecel yihiin.

4. I soo jiido, waannu kaa daba ordaynaaye. Boqorkii wuxuu i soo geliyey qolladihiisii. Annagu waannu kugu farxi doonnaa, oo waannu kugu rayrayn doonnaa, Oo jacaylkaagana waxaannu u sii xusuusan doonnaa in khamri ka sii badan. Si qumman ayay kuu jecel yihiin.

5. Gabdhaha reer Yeruusaalemow, Anigu waan madoobahay, laakiinse waan u qurxoonahay Sida teendhooyinkii reer Qedaar Iyo sida daahyadii Sulaymaan.

6. Ha ii soo dhuganina madowgayga qorraxdu i gubtay aawadiis. Wiilashii hooyaday ayaa ii cadhooday, Oo waxay iga dhigeen ilaaliyihii beeraha canabka ah, Laakiinse beertayda canabka ah ma aan dhawrayn.

Gabaygii Sulaymaan 1