1. Haddaba ahaada kuwo ku dayda Ilaah idinkoo ah sida carruur la jecel yahay.
2. Jacayl ku socda siduu Masiixuba idiin jeclaa, oo uu nafsaddiisii inoogu bixiyey inuu Ilaah u ahaado qurbaan iyo allabari oo uu ahaado caraf udgoon.
3. Laakiinse sida ay quduusiinta ugu eg tahay, marnaba yaan dhexdiinna laga sheegin sino, iyo wasakh oo dhan, iyo damacnimo,
4. iyo ceeb, iyo hadal nacasnimo ah, iyo kaftan bilaash ah, oo aan idinku habboonayn, laakiinse waxaa idinku wacan mahadnaqid.