Cibraaniyada 4:1-3 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Sidaas daraaddeed aynu cabsanno, inta ballan nasashadiisa lagu gelayaa jiro, inaan midkiinna u ekaan mid gaadhi waayay.

2. Waayo, innagana war wanaagsan baa laynagu wacdiyey sidooda oo kale, laakiin hadalkay maqleen waxba uma uu tarin iyaga, maxaa yeelay, kuwii maqlay rumaysad kuma ay darin.

3. Waayo, kuweenna rumaystay, nasashadaas waynu galnaa, siduu u yidhi, Sidaas daraaddeed anigoo cadhaysan ayaan waxaan ku dhaartay, Iyagu nasashadayda ma geli doonaan, in kastoo ay shuqulladii ka dhammaadeen aasaaska dunida.

Cibraaniyada 4