1. Oo markii Xisqiyaah taas maqlay intuu dharkiisii jeexjeexay oo joonyad guntaday ayuu gurigii Rabbiga galay.
2. Markaasuu Elyaaqiim oo reerka boqorka u sarreeyey, iyo Shebnaa oo karraanigii ahaa, iyo duqowdii wadaaddada, iyagoo joonyado qaba u diray Nebi Ishacyaah oo ahaa ina Aamoos.
3. Oo iyana waxay ku yidhaahdeen, Xisqiyaah wuxuu kugu leeyahay, Maanta waa maalin dhibaato, iyo canaan, iyo cay, waayo, carruurtii way dhalan lahayd laakiinse xoog lagu dhalaa ma jiro.