Bilowgii 40:3-5 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

3. Oo wuxuu iyagii ku xabbisay gurigii madaxa waardiyayaasha, xagga xabsiga gudihiisa oo ahaa meeshii Yuusuf ku xidhnaa.

4. Madaxii waardiyayaashuna Yuusuf amar buu u siiyey iyagii, wuuna u adeegi jiray iyagii; intii wakhti ahna xabsigay ku jireen.

5. Kii khamriga siin jiray iyo kii wax u dubi jiray boqorkii Masar, iyagoo xabsiga ku xidhnaa, ayay labadoodiiba isku habeen riyoodeen, nin kastaana riyadiisuu ku riyooday oo nin kastaa wuxuu ku riyooday sidii riyadiisii fasirkeedu ahaa.

Bilowgii 40