20. oo waxaad ku tidhaahdaan, Weliba addoonkaagii Yacquub waa naga dambeeyaa. Oo wuxuu yidhi, Hadiyadda iga horraysa ayaan ku cadho tirayaa isaga, dabadeedna wejigiisaan arki doonaa; oo mindhaa wuu i aqbali doonaa.
21. Sidaas daraaddeed hadiyaddii waa ka sii hor gudubtay, isna habeenkaas geeddigii buu ku dhex baryay.
22. Kolkaasuu kacay habeenkaas, oo wuxuu kaxaystay labadiisii naagood, iyo labadiisii addoommood, iyo koob iyo tobankiisi carruurta ahayd, oo wuxuu ka gudbiyey tog Yabboq marinkiisii.
23. Wuuna kaxeeyey iyagii oo wuxuu u diray durdurka shishadiisa, wixii uu haystayna wuu gudbiyey.
24. Markaasuu Yacquub keligiis hadhay, nin baana la legdamayay isaga ilaa markii waagu beryayay.