Bilowgii 32:1-3 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Yacquubna jidkiisii buu iska qaaday, malaa'igihii Ilaah baana ka hor yimid.

2. Yacquubna markuu iyagii arkay wuxuu yidhi, Kanu waa ciidankii Ilaah. Meeshaas magaceediina wuxuu u bixiyey Maxanayim.

3. Yacquubna wuxuu iska hor mariyey kuwo farriin wada oo wuxuu u diray walaalkiis Ceesaw oo degganaa dalkii Seciir oo ahaa duurkii Edom.

Bilowgii 32