Bilowgii 30:10-13 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

10. Lee'ah addoonteedii Silfah ahaydna Yacquub wiil bay u dhashay.

11. Oo Lee'ahna waxay tidhi, Ayaan weynaa! Magiciisiina waxay u bixisay Gaad.

12. Lee'ah addoonteedii Silfah ahaydna wiil labaad bay u dhashay Yacquub.

13. Oo Lee'ahna waxay tidhi, Waan faraxsanahay! waayo, naaguhu waxay iigu yeedhi doonaan tan faraxsan. Magiciisiina waxay u bixisay Aasheer.

Bilowgii 30