Bilowgii 23:1-6 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Saarah waxay noolayd boqol iyo toddoba iyo labaatan sannadood; intaasu waa Saarah cimrigeedii.

2. Oo Saarah waxay ku dhimatay Qiryad Arbac, taasoo ah Xebroon, tan ku taal dalka Kancaan: Ibraahimna wuxuu u yimid inuu u baroorto, oo uu u ooyo Saarah.

3. Markaasaa Ibraahim meydkii naagtiisa ka kacay, oo wuxuu la hadlay reer Xeed, isagoo ku leh,

4. Waxaan ahay shisheeye sodcaal ah oo idin dhex jooga: ee dhexdiinna iga siiya meel xabaaleed oo hanti ah, si aan meydka naagtayda hortayda uga aaso.

5. Oo reer Xeedna Ibraahim bay u jawaabeen, iyagoo ku leh,

6. Bal na maqal sayidkaygiiyow, adigu dhexdayada waxaad ku tahay amiir weyn. Midka ugu wanaagsan qabriyadayada meydka naagtaada ku aas.

Bilowgii 23