13. Oo waxaa yimid mid soo baxsaday, oo wuxuu u warramay Aabraam kii ahaa Cibraaniga isagoo ag deggan dhirtii Mamre kii ahaa reer Amor, oo Eshkol iyo Caaneer walaalkood ahaa. Kuwaasu Aabraam bay gaashaanbuur la ahaayeen.
14. Oo Aabraam markuu maqlay in walaalkiis maxbuus ahaan loola tegey ayuu soo kaxaystay raggiisii la tababbaray oo gurigiisa ku dhashay, iyagoo ah saddex boqol iyo siddeed iyo toban nin, oo wuxuu raacdo ku jiray ilaa Daan.
15. Oo habeennimo ayuu raggiisii u kala qaybiyey, isaga iyo addoommadiisiiba, oo waxay laayeen colkii, oo ay raacdaysteen ilaa Xoobah, oo Dimishaq xagga bidixda ka ah.
16. Oo alaabtii oo dhan buu soo celiyey, oo waxaa kale oo uu soo celiyey walaalkiis Luud, iyo alaabtiisii, iyo naagihii, iyo dadkiiba.
17. Markuu ka soo noqday layntii Kedorlaacomer iyo boqorradii la jiray ka dib ayaa boqorkii Sodom Aabraam kaga hor tegey Dooxo Shaweh oo ahayd Dooxadii Boqorka.
18. Oo Malkisadaq oo ahaa boqorkii Saalem baa keenay cunto iyo khamri: wuxuuna ahaa wadaadkii Ilaaha ugu sarreeya.
19. Oo Aabraam buu u duceeyay, oo yidhi, Ilaaha ugu sarreeya, ee leh samada iyo dhulkaba ha barakeeyo Aabraam.
20. Ammaan waxaa leh Ilaaha ugu sarreeya, oo cadaawayaashaadii gacantaada geliyey. Markaasaa Aabraam wuxuu isagii wax kasta ka siiyey toban meelood oo meel.
21. Boqorkii Sodom wuxuu Aabraam ku yidhi, Dadka uun i sii, alaabtana adigu iska qaado.
22. Laakiin Aabraam wuxuu boqorkii Sodom ku yidhi, Gacantaydaan kor u taagay oo waxaan ku dhaartay Rabbiga, kan ah Ilaaha ugu sarreeya, ee leh samada iyo dhulka,
23. inaanan qaadanin miiq ama kab yeelmeheed ama wax adigu aad leedahay, waayo, waaba intaasoo aad tidhaahdaa, Anaa Aabraam hodan ka dhigaye.