Ayuub 11:3-8 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

3. Amase faankaagu miyuu dadka aamusiin karaa? Oo markaad majaajilootid miyaan ninna ku kashifi karin?

4. Waayo, waxaad leedahay, Cilmigaygu waa daahir, Oo nadiif baan ku ahay indhahaaga hortooda.

5. Bal muu Ilaah hadlo! Oo bal muu bushimihiisa furo isagoo kaa gees ah!

6. Oo bal muu ku tuso waxyaalaha qarsoon ee xigmadda ah, Waayo, way badan yihiin. Haddaba bal ogow in Ilaah kaa jisaynayo in ka sii yar ciqaabta dembigaagu istaahilo.

7. War miyaad baadhi kartaa Ilaah axwaalkiisa moolka dheer? Miyaadse Ilaaha Qaadirka ah si kaamil ah u garan kartaa?

8. Xigmaddiisu way u sarraysaa sida samada, ee bal maxaad samayn kartaa? Oo She'oolna way ka sii mool dheer tahay, ee maxaad garan kartaa?

Ayuub 11