2 Tesaloniika 3:12-16 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

12. Kuwa caynkaas ah waxaannu Rabbi Ciise Masiix ku amraynaa oo ku waaninaynaa inay xasilloonaan ku shaqaystaan oo kibistooda cunaan.

13. Idinkuse, walaalayaalow, wanaagfallidda ha ka qalbi jabina.

14. Haddii nin addeeci waayo waxaannu warqaddan ku qornay, ninkaas iska jira oo ha raacina si uu isugu yaxyaxo.

15. Weliba sida cadow ha ula macaamiloonina, laakiin sida walaalkiin u waaniya.

16. Haddaba Rabbiga nabadda qudhiisu mar walba si kasta nabad ha idiin siiyo. Rabbigu kulligiin ha idinla jiro.

2 Tesaloniika 3