1 Tesaloniika 4:1-2 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Ugu dambaysta, walaalayaalow, waxaannu idinku baryaynaa oo idinku waaninaynaa Rabbi Ciise, sidaad nooga hesheen sidii waajibka idinku ahayd inaad u socotaan oo Ilaah uga farxisaan, in sidaad ku socotaan, aad si ka badan u socotaan.

2. Waayo, amarradii aan Rabbi Ciise idinku siinnay waad og tihiin.

1 Tesaloniika 4