Yooxanaa 8:1-5 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Ciisese wuxuu u baxay Buur Saytuun.

2. Aroortii hore ayuu haddana macbudka yimid, dadkii oo dhammuna way u yimaadeen, oo intuu fadhiistay, ayuu wax baray.

3. Culimmadii iyo Farrisiintii waxay u keeneen naag sino lagu qabtay. Markaasay dhexda joojiyeen,

4. oo waxay isagii ku yidhaahdeen, Macallimow, naagtan waxaa lagu qabtay sino.

5. Hadda Muuse wuxuu sharciga nagu amray in la dhagxiyo tan oo kale, adiguse maxaad ka leedahay iyada?

Yooxanaa 8