Yooxanaa 12:42-45 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

42. Hase ahaatee qaar badan oo taliyayaasha ka mid ahaa way rumaysteen, laakiin Farrisiintii aawadood ma ay qiran si aan sunagogga looga saarin,

43. waayo, waxay ammaanta Ilaah ka jeclaayeen ammaanta dadka.

44. Ciise ayaa ku dhawaaqay oo yidhi, Kii i rumaystaa, ima rumaysto, wuxuuse rumaystaa kan i soo diray.

45. Kii i arkaana, wuxuu arkaa kan i soo diray.

Yooxanaa 12