Yooxanaa 10:28-32 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

28. Oo waxaan iyaga siiyaa nolosha weligeed ah, weligoodna ma lumi doonaan, oo ninna kama dhufsan doono gacantayda.

29. Aabbahaygii i siiyey iyaga ayaa wax walba ka weyn, oo ninna kama dhufsan karo gacanta Aabbahay.

30. Aniga iyo Aabbuhu mid baannu nahay.

31. Markaasay Yuhuuddu haddana dhagaxyo u gurteen inay dhagxiyaan.

32. Ciise ayaa ugu jawaabay, Shuqullo badan oo wanaagsan ayaan idinka tusay xagga Aabbahay. Shuqulladaas kee baad igu dhagxinaysaan?

Yooxanaa 10