Yexesqeel 3:1-5 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Oo wuxuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, waxaad heshid cun. Qorniinkan duudduuban cun, oo tag, oo waxaad la hadashaa reer binu Israa'iil.

2. Sidaas daraaddeed afkaan kala qaaday oo isna qorniinkii duudduubnaa wuu i cunsiiyey.

3. Oo wuxuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, calooshaada geli oo ka buuxi qorniinkan duudduuban oo aan ku siiyo. Markaasaan cunay, oo wuxuu afkayga ugu dhadhan macaanaa sidii malab oo kale.

4. Markaasuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, reer binu Israa'iil u tag, oo erayadayda kula hadal.

5. Waayo, laguuma dirin dad hadal qalaad oo afkoodu adag yahay, laakiinse waxaa laguu diray reer binu Israa'iil.

Yexesqeel 3