Yexesqeel 28:20-26 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

20. Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

21. Wiilka Aadamow, wejigaaga Siidoon u jeedi oo iyada wax ka sii sheeg,

22. oo waxaad tidhaahdaa, Siidoonay, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal eeg, anigu col baan kugu ahaye, oo waa laygu kaa dhex ammaani doonaa. Oo markaan xukummo dhexdeeda ku sameeyo waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay, oo dhexdeeda ayaan quduus ku ahaan doonaa.

23. Belaayo iyo dhiig baan jidadkeeda ku soo dayn doonaa, oo kuwa dhaawaca ahna dhexdeedaa lagu xukumi doonaa iyadoo seefu dhinac kastaba kaga taagan tahay, oo markaasay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.

24. Oo mar dambe ma ay jiri doonaan yamaarug reer binu Israa'iil muda, amase qodax iyaga xanuujisa oo ka mid ah kuwa hareerahooda ku wareegsan oo iyaga quudhsaday oo dhan; oo waxay ogaan doonaan inaan anigu ahay Sayidka Rabbiga ah.

25. Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Markaan reer binu Israa'iil ka soo ururiyo dadyowga ay ku kala dhex firidhsan yihiin, oo aan dhexdooda quduus ku noqdo iyadoo ay quruumuhu indhaha ku hayaan, ayay dalkoodii aan addoonkaygii Yacquub siiyey dhex degganaan doonaan.

26. Oo halkaasay ammaan ku dhex degganaan doonaan, oo guryo bay dhisan doonaan, oo beero canab ah bay beeran doonaan, oo weliba ammaan bay ku degganaan doonaan, markaan kuwa hareerahooda ku wareegsan oo iyaga quudhsada oo dhan xukummo ku soo dejiyo, oo markaasay ogaan doonaan inaan anigu ahay Rabbiga Ilaahooda ah.

Yexesqeel 28