Yexesqeel 25:12-14 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

12. Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Reer Edom aarsasho buu dadka Yahuudah kula macaamilooday, oo si weyn ayuu u xumeeyey, oo iyaga wuu ka aar goostay,

13. sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Gacantaydaan dalka Edom ku dul fidin doonaa, oo dad iyo duunyoba waan ka baabbi'in doonaa, oo cidla baan ka dhigi doonaa tan iyo Teman, oo tan iyo Dedaan seef baa lagu le'an doonaa.

14. Oo waxaan aarsashadayda dul saari doonaa reer Edom, oo gacanta dadkayga reer binu Israa'iil ayaan kaga aarsan doonaa, iyaguna reer Edom way ku samayn doonaan sida ay cadhadaydu tahay iyo sida uu xanaaqaygu yahay, oo waxay ogaan doonaan aarsashadayda, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.

Yexesqeel 25