Yeremyaah 2:7-15 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

7. Oo waxaan idin keenay waddan barwaaqo badan, inaad midhihiisa iyo wanaaggiisa cuntaan, laakiinse markaad soo gasheen ayaad dalkaygii nijaasayseen, oo dhaxalkaygiina waxaad ka dhigteen wax karaahiyo ah.

8. Wadaaddadii ma ay odhan, Rabbigii meeh? Oo kuwa sharciga hayaana ima ay aqoon, oo taliyayaashiina way igu xadgudbeen, oo nebiyadiina waxay wax ku sii sheegeen Bacal, oo waxay iska daba galeen waxyaalo aan innaba faa'iido lahayn.

9. Oo sidaas daraaddeed weli waan idinla muddacayaa, oo carruurtiinna carruurtoodana waan la muddici doonaa.

10. Waayo, bal u gudba xagga gasiiradda Kitiim, oo bal wax eega, oo xagga Qedaarna cid u dira, oo aad u fiirsada, oo bal eega hadday waxaas oo kale halkaas jiraan.

11. Miyey jirtaa quruun beddeshay ilaahyadeed aan ilaahyo ahayn? Laakiinse dadkaygu waxay ammaantoodii ku beddeleen wax aan waxtar lahayn.

12. Rabbigu wuxuu leeyahay, Samooyinkow, bal waxan la yaaba, oo aad iyo aad u cabsada, oo haddana aad u gariira.

13. Waayo, dadkaygii laba waxyaalood oo shar ah ayay sameeyeen, way iga tageen anigoo ah isha biyaha nool, oo waxay qoteen berkedo daldaloola oo aan innaba biyo celin karin.

14. Dalka Israa'iil ma addoon baa, mase waa bidde guriga ku dhashay? Maxaa isaga loo kala boobay?

15. Libaaxyo qayrabyo ah ayaa ku ciyey, oo codkoodiina way dheereeyeen, oo dalkiisiina way baabbi'iyeen, oo magaalooyinkiisiina way gubteen oo ciduna ma deggana.

Yeremyaah 2