9. Oo qaybtii reer Yahuudah waxaa ku jiray dhaxalkii reer Simecoon, maxaa yeelay, reer Yahuudah qaybtoodu waa ku badnaa; sidaas daraaddeed reer Simecoon waxay dhaxal ka heleen dhaxalkii reer Yahuudah dhexdiisa.
10. Oo saamigii saddexaadna wuxuu u soo baxay reer Sebulun siday reerahoodu ahaayeen, oo dhaxalkoodii soohdintiisuna waxay ahayd ilaa Saariid.
11. Oo soohdintoodu waxay u baxday xagga galbeed, iyo xataa ilaa Marcalaah, oo waxay gaadhay tan iyo Dabbaashed, oo haddana waxay gaadhay tan iyo durdurka ku yaal Yoqnecaam horteeda;
12. oo waxay Saariid uga leexatay xagga bari ee qorraxdu ka soo baxdo, ilaa soohdinta Kislod Taabor, kolkaasay waxay u baxday xagga Daberad, oo haddana kor ugu baxday Yaafiica,
13. oo halkaasna waxay uga gudubtay xagga bari oo martay Gad Heefer iyo tan iyo Citaah Qaasiin, oo waxay u baxday xagga Rimmon oo gaadhaa ilaa Neecaah,