Yashuuca 12:2-5 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

2. oo waxay ahaayeen boqorkii reer Amor oo ahaa Siixon, oo degganaa Xeshboon, oo xukumi jiray Carooceer oo ku tiil dooxadii Arnoon darafteeda, iyo magaaladii ku tiil dooxadii dhexdeeda, iyo Gilecaad badhkeed, iyo tan iyo Webi Yabboq, kaasoo ku yiil soohdintii reer Cammoon,

3. iyo bankii Caraabaah iyo tan iyo baddii Kinnered, iyo xagga bari, iyo tan iyo baddii Caraabaah, taas oo ah Badda Cusbada leh, oo bari, ee ku taal jidkii Beytyeshimood, ee xagga koonfureed, ee ka hoosaysay dhaadhacyadii Fisgaah:

4. iyo xuduudkii Coog oo ahaa boqorkii Baashaan, oo ka hadhay reer Rafaa ee Cashtarod agteeda joogay, Edrecii agteedana joogay.

5. Kaasu wuxuu xukumi jiray Buur Xermoon, iyo Salkaah, iyo Baashaan oo dhan, iyo tan iyo soohdinta reer Geshuur iyo kan reer Macakaad iyo Gilecaad badhkeed, iyo xuduudka Siixon oo boqor u ahaa Xeshboon.

Yashuuca 12