Wacdiyahii 9:1-2 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Waxyaalahan oo dhan qalbigaygaan kaga fiirsaday si aan u baadho in kuwa xaqa ah iyo kuwa xigmadda leh, iyo shuqulladooduba ay gacanta Ilaah ku jiraan. Binu-aadmigu garan maayo inay jacayl tahay iyo inay nacayb tahay toona. Wax waluba iyagay ka horreeyaan.

2. Wax kastaaba isku si bay dadka oo dhan ugu yimaadaan, oo isku wax baa ku dhaca ka xaqa ah iyo ka sharka ahba, ka wanaagsan iyo ka xunba, ka nadiifta ah iyo ka aan nadiifta ahaynba, ka allabariga bixiya iyo ka aan allabariga bixinba. Sida kan wanaagsanu yahay ayaa dembiluhuna yahay, oo ka dhaartaana waa la mid kan dhaarta ka cabsada.

Wacdiyahii 9