Wacdiyahii 10:3-7 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

3. Oo weliba kan nacaska ahu markuu jidka marayo wuu caqli yaraadaa, oo ku alla kii uu arkaba wuxuu u sheegaa inuu nacas yahay.

4. Haddii taliyahu kugu dhirfo, meeshaada ha ka dhaqaaqin, waayo, qalbiqabowgu xumaano waaweyn wuu qabowjiyaa.

5. Waxaa jira wax shar ah oo aan qorraxda hoosteeda ku arkay, waxaana weeye qalad taliyaha ka yimaada.

6. Nacasnimadu waxay joogtaa meelo sarsare oo waaweyn oo taajiriintuna waxay fadhiyaan meel hoose.

7. Waxaan arkay addoommo fardo fuushan, iyo amiirro sida addoommo oo kale lugaynaya.

Wacdiyahii 10