Tirintii 34:4-8 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

4. oo soohdintiinnuna waxay la soo wareegi doontaa xagga koonfureed oo jiirtii Caqrabbiim, oo waxay u gudbi doontaa ilamaa Sin, oo dhammaadkeeduna wuxuu ahaan doonaa Qaadeesh Barneeca xaggeeda koonfureed, oo waxay u sii bixi doontaa xagga Hasar Addaar, oo waxay u sii dhaafi doontaa ilaa Casmoon.

5. Oo soohdintu waxay la soo wareegi doontaa Casmoon ilaa tan iyo durdurka Masar, oo dhammaadkeeduna wuxuu ahaan doonaa xagga badda.

6. Oo soohdinta galbeedna waxaad yeelan doontaan badda weyn iyo soohdinteedaba. Intaasu waxay ahaan doontaa soohdintiinna galbeed.

7. Oo intanuna waxay ahaan doontaa soohdintiinna woqooyi, waxaad ka tilmaansataan badda weyn ilaa tan iyo Buur Xor.

8. Oo Buur Xorna waxaad ka tilmaansataan ilaa tan iyo meesha Hamaad laga galo, oo soohdinta dhammaadkeeduna wuxuu ahaan doonaa Sedaad.

Tirintii 34